Dhageyso:-Koofur Galbeedd oo 500 Askari geyneysa Marka,

0 423

Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay Magalaada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose ay geynayaa Ciidamo isugu jira Boolis iyo Daraawiish si ay wax uga qabtaan amni darrada ka jirta Magaalada Marka.

Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Xuseen Cali Xaaji ee maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in 200 Askari oo Boolis ah iyo 300 Askari oo Daraawiish ah loo diyaariyay Magaalada Marka ayna u soo xireen tababar Ciidankaas oo uu sheegay in ay hadda diyaar u yihiin in ay howlgalaan.

Magaalada Marka ayuu sheegay in ay ku soo laalaabteen dagaallada Sokeeye,waxaana ay dagaalladaasi meesha ka saareen Waxbarashada iyo adeegyadii kale ee Bulshada.

Ciidanka  ayuu sheegay Wasiirka in  ay wax ka qaban doonaan dhibaatada nololeed ee ka jira Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay guud ahaan Gobolka Shabeellaha hoose ay u diyaarinayaan Ciidamo suga amaanka Gobolka kuwaas oo laga soo kala xulay degmooyinka nuu ka kooban yahay Gobolkaasi.

Dhegeysi:

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.