.Dhageyso ;MADAWEYNAHA KGS OO DHAGAX DHIGEY SALDHIG BOOLIS MAGAALADA AWDIINLE GOBALKA BAY

0 319

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa safarkii dhanka dhulka ahaa ee ay ku tageen Magaalada Degmada Berdaale ee Gobolka Baay. Ayaa shaley markii ay soo laabteen waxaa ay soo mareen Magaalada Awdiinle ee Gobolka Bay.
Madaxweynaha KGS ayaa intaasi kadib waxa uu dhagax-dhigay saldhiga Awdiinle, wuxuuna shacabka uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen,isaga oo ugu baaqay in ay Maamulka la Shaqeeyaan.
Waxaa kale oo meesha ka Hadley Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee Koonfur Galbeed Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan oo isaguna Bulshada Magaalada Awdiinle halkaasi kula hadley iyo Gudoomiyaha Gobolka Bay Cali Wardheere oo isaguna hadalo kooban halkaasi ka jeediyey
Madaxweynaha iyo wafdihiisa ayaa ugu dambeyn Gelinkii dambe ee shaley soo aaday dhanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa Safar dhinaca Dhulka ah ku aadey Magaalada Berdaale oo ah Degmo ka tirsan Gobolka Bay.isagoona halkaasi uga soo qeyb galey Caleema saarka Gudoomiyaha cusub ee Degmadaasi Berdaale ee G/Bay

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.