DHAGEYSO: Madaxweynaha oo xariga ka jaray xarunta Maamulka Hawada

0 254

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka qeyb galay Munaasabada daah furka xarunta qalabka Hawada Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano Labada Gole ee Dowladda Federaalka ka tirsan, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa Madaxweynuhu waxaa uu kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.

Nidaamka Hawada dalka lagu soo wareejinayo ayaa soo bilawday sanadkii 2014-kii, tan iyo Xiligaasi waxaa socday kulamo ay yeelanayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Madaxda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadka Qorshuhuna waxa uu ahaa in Soomaaliya loo soo celiyo Maamulka Hawada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.