Dhageyso;-Madaxweyne Laftagareen Oo maanta Qaabiley Wafdi ka socdey Qaramada Midoobey

0 260

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Xafiiskiisa Ku qaabiley Wafdi ka socdey Qaramada Midoobey oo uu hogaaminayey Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambasador James Swan.

Qaabilaad iyo kala warqaadasho kadib waxaa ay ka wada hadleen Arimaha Horumarineed ee ka socda Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidii Qaramada midoobey ay qeyb uga qaadan lahayd kaalinta kaga aadan arimahaasi oo ay kamid yihiin Horumarka iyo dhanka Doorashooyinka,

Shirka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Madaxa Hay,adda UNICEF qeybteeda Soomaaliya oo qeyb ka haa wafdiga uu hogaaminayey wakiilka qaramadaa midoobey ee James Swan waxaana uu sheegey in ay wax ka qaban doonaan Arimaha Caafimaadka iyo Biyaha,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa sheegey shirka inta uu socdey in looga hadley waxyaabaha ka socda Deegaanada Kg Gaar haan Mashaariicda Horumarineed ee laga hirgeliyey Deegaanada KGS,

Ambasador James Swan ayaa Ammaan iyo Bogaadin u jeediyey Madaxweyne Laftagareen Mudada uu Xilka hayey waxyaabaha uu ku tallaabsadey Maamulka uu Hogaamiyo ee Koonfur Galbeed dhinacyada Horumarka,Ammaanka, Dhaqaalaha, iyo Horumarinta arimaha Bulshada iyo dhinacyada kale isagoona sheegey in ay sii xoojindoonaan wadashaqeynta ay lalaeeyihiin maamulka Koonfur galbeed soomaaliya waxaana uu xusey in ay waxbadan ka qaban doonaan arimaha KG,

AMb James Swan Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya imaatinkiisa Saddaxaad ee Magaalada Baydhabo ee Caasimada kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa muujineysa Xiriirka Wanaagsan ee ka dhaxeeya Qaramada Midoobey iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.