Dhageyso; Madaxweyne Laftagareen Wafdi uu Hogaaminayo Oo gaarey Marka[SAWIRO]

0 455

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayey oo ay kamid ahaayeen Senator Xuseen iyo Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ay kamid ahaayeen kuwa gobolka Shabeelaha hoose ayaa Maanta Gaarey Magaalada Marka ee Caasimada Gobolka Shabeelaha Hoose waxaan halkaasi ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ay kamid yihiin Gudoomiyaha Degmadaasi Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Xariga kajaray Mashaariic Hormarineed oo Laga Fuliyey Degmada Marka Halka kuwo kalena uu Dhagax Dhigay, Mashaariicdaas oo ay kamid ahaayeen Kawaanka weyn ee Degmadaasi Suuqa Khudaarta iyo Xarunta Cusub Dowlada Hoose ee Degmadaasiiyo iskuul si jiilka cusub ee soo koraya ay u helaan waxbarasho,

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale si loo dhiira geliyo Dhalinyarada gaar ahaaan bahda Isboortiska waxaa uu Koob gudoonsiiyey Kooxda Xidigaha ee Shalanbood oo dhawaan ku guuleysatey Koobka isdhexgalka Bulshada oo ka socdey Degmadaasi Marka iyadoo sidoo kale dhawaan laga dhisi doono oo la dhagaxdhigey Garoonka Diyaaradah Ceeljaalle iyo midka Kubada Cagta iyo kuwo kale oo la ballanqaadey,

Mashaariicda dib loogu soo nooleynayo adeegyada aas aasiga ah ee Bulshada ee qeybta ka ah Afarta Tubood e Maamulka ayaa ka hanaqaadaya Deegaanada Koonfur galbeed,

Gudoomiyaha maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Ibraahim aadan Najax iyo Godoomiyaha Degmada Marka Cabdullaahi Cali waafow ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyey Mashaariicdan Horumarineed ee laga fuliyey Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose,

Halkan hoose ka dhageyso Codka Madaxweynaha iyo Madaxda Gobolka Shabeelaha Hoose

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.