Dhageyso;-Maxakamada Daraja 1-aad Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad ee KGS Oo maanta Xukun ku riday

0 123

Maxakamada Daraja Koowaad Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad ee KGS Oo maanta Xukun ku riday Eedeesaney loo haystey inuu geystey kufsi iyo Handadaad,

Eedaysanahan maanta ay Maxkamadu Xukunka ku ridey ayaa waxaa uu kufsi ugu geystey magaalada tan baydhabo Gabar Xaamilo aheyd oo Sagaal Bilood joogtey waxaana lagu magacaabaa Aadan Cabduraxmaaan waxaana uu kamid ahaa Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad.

GABADHA uu Kufsiga uu u geystey ayaa dhasjey Shan maalmood kadib,

Dadka marqaatiyaasha ah ayaa goobtaasi ka cadeeyey in Eedaysane Aadan Cabdiraxmaan uu Falkaasi kufsiga ah uu geystey isla markaana maxkamada kahor cadeeyey,

Qareenada Difaacayayey ayaa ka codsadey maxkamada in loo fududeeyo Ciqaabta Dambiga uu geystey Eedaysanaha,

Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka sida qeybta 60aad Maxamuud Maxamed Iidow ayaa maxkamada ka codsaday Eedaysanaha in lamarsiiyo Ciqaabta ugu adag maadaamaa uu kufsaday Gabar Xaamilo ah isaga oo watey Dareeska Ciidanka Xooga Dalka soomaaliyeed.

intaasi kadib waxaa Xukunka maxkamada ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada darjada koowaad ee qeybta 60aad Gaashaanle Abshir Maxamed Aadaan,
HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA


You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.