Dhageyso;-MW Laftagareen Oo Xariga kajaray Xarunta Cusub ee Degmada Baydhabo[SAWIRO]

0 361

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa waxaa Maanta Xaraga Ka jarey Xaruunta Cusub Ee Maamulka Degmada Baydhabo,

Furitaanka iyo Xarigjarka ee uu maanta Madaxweyne Laftagareen uu ku sameeyey Xarunta DEgmada Hoose ee Maamulka Baydhabo ayaa waxaa ku wehlinayey Qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada Wasiirka Arimaha Gudaha Dib uheshiisiinta iyo Dowladaha hoose iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Baydhabo qaar kamid hooyooyinka Degmada Baydhabo iyo Marti sharaf kale.

Masaxweyne Laftagareen oo Kormeerey qeybaha kala duwan ee Xarunta ayaa Amaanay sida quruda badan ee loo dhisey Xarunta Degmada iyo sida looga faaideystey Mashruuca GPLG oo ah Barnaamijka horumarinta Degmooyinka Dalka isagoona u mahadceliyey Dadkii Gacanta ka geystey dhismaha Xarunta DEgmada Hoose ee Baydhabo,

Gudoomiyaha Maamulka DEgmada Baydhabo Xasan Macallin Axmed Biikole iyo qaar kamid ah Howlwadeenada Mashruuca GPLG ayaa sidoo kale Goobtaasi ka hadley iyagoona ka hadley Muhuumidda uu u leeyahay Mashruucan Bulshada Gaar ahaan mida Degmada Baydhabo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib uheshiisiinta Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa iyaguna Goobtaasi ka hadley iyagoona sheegey in Mashruuca GPLG ga uu Muhiim u yahay Bulshada Deegaanadan Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dardar gelinta Howlaha iyo Dhismooyinka Degmooyinka Deegaanada Koonfur Galbeed,

Ugu dambeyn Waxaa meesha ka hadley Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka hadlay Howlaha Maamul u sameynta Degmooyinka Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Dardargelinta Maamulka Koonfur Galbeed dhanka Horumarada uu ka gaarey maamulka koonfur galbeed iyo arimo kale.


You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.