DHAGEYSO; P/LAND OO CABASHO KA GUDBISAY WARIYE BBC-DA KA TIRSAN OO SAFARKA MD FARMAAJO WARBIXIN KA QORAY

0 232

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Puntland cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa kaga hadlay labo Arrimo oo kala ah Warbixin BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ka qortay Puntland iyo dagaalka Somaliland ay ku qabsadeen deegaanka Tukaraq.
Wuxuu sheegay in BBC-da ay baahisay warbixin ku qotonta in madaxweyne Farmaajo u bareeray halis dhanka amniga ah oo Puntland ka jirta gaar ahaan deegaanada Buuraha Galgala,wuxuuna Wasiirka Arrintaasi ku tilmaamay iney ka soo horjeedo amniga Puntland.
Sidoo kale,Wuxuu Wasiirka Somaliland uga digay maamulka Somaliland oo qabsatay Kastamkii canshuuraha lagu qaadayay ee Puntland u yaalay deegaanka Tukaraq

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.