DHAGEYSO: Tarsan oo weerar afka ah ku qaaday Xildhibaanada Baarlamaanka

0 252

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, La taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa si kulul u weeraray Xildhibaanada Baarlamaanka.

La taliyaha, ayaa Khamiistii sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay ku jiraan waxa ugu yeeray ganacsi siyaasadeed, kadib markii sida uu sheegay ay ka taggeen hawlihii shaqo ee loo igmaday.

“Baarlamaankaynii shaqadii loo doortay ma hayaan, wuxuu ahaa sharci dejiye, Sharci dejiye ma yahay Baarlamaankaynii? Baarlamaankaynii shaqadii loo doortay ma hayo. Baarlamaankaynii wuxuu ku jiraa ganacsi siyaasadeed.” Ayuu yiri La taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha.

Tarsan, ayaa ka dhawaajiyay in boqolkiiba sagaashan waqtiga Madaxweynaha iyo kan Ra’iisal Wasaaruhuba uu ku baxo Baarlamaanka, isagoona su’aal ka keenay in waxa loo doortay madaxda ay yihiin inay u shaqeeyan Baarlamaanka iyo inay dadka u adeeggan.

“Boqolkiiba sagaashan (90%) Madaxweynaha waqtigiisa waxaa qaatay Baarlamaanka. Boqolkiiba sagaashan (90%) waqtiga Ra’iisal Wasaaraha waxaa qaatay Baarlamaanka. Ma waxaa loo doortay Madaxweynaha in uu Baarlamaanka u shaqeeyo mise waxaa loo doortay shacabka Soomaaliyeed gees ka gees inuu u shaqeeyo? Ra’iisal Wasaarihii Xukuumadda ma waxaa loo magacaabay in uu Baarlamaanka u shaqeeyo mise waxaa loo magacaabay inuu umadda Soomaaliyeed uu u qorsheeyo adeeggii ay bulshadan u baahnayd?” Ayuu yiri Tarsan.

Tarsan, ayaa ku celiyay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay hareer marayn wixii loo doortay, taasi bedelkeedana ay wax argagax geliya ku noqdeen Madaxdii Qaranka, sida uu yiri

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.