DHAGEYSO:Amarada lagu soo rogay Maamulada Masaajidada iyo xarumaha Diinta

0 250

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa shalay soo saartay War saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha diinta lagu barto ee ku yaalla Magaaladda Muqdisho iyo dhammaan Gobolada dalka Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda oo ko koobnaa 5 qodob ayaa waxaa ka mid ahaa in ay isa soo diiwangeliyaan Maamulada Masaajidada iyo xarumaha lagu barto Diinta ee ku yaalla guud ahaan dalka, Maamulada ku sugan Muqdisho waxa ay iska diiwaan gelin karaan Wasaaradda Awqaafta, halka kuwa Gobolada ku sugan ay iska diiwaan gelin karaan Wasaaradaha Awqaafta ee Dowlad Goboleedyada.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo u waramay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Masaajida iyo xarumaha Diinta lagu barto ay masuul ka tahay Wasaaradda Awqaafta, muhiimna ay tahay dadka ku shaqada leh in lala socdo.

Sidoo kale wuxuu sheegay Xoghayaha joogtada in wax shuruud ah aanan laga rabin dadka isdiiwaangelinaya, mudada la siiyayna ay tahay laba bilood, wuxuuna ku baaqay in amarkan ay qaataan dadka ay ku socoto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.