DHAGEYSO,,Duqa Muqdisho oo Amar dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka

0 148

Shirka Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar,kaas oo uu shir Gudoomiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Shirka ayaa waxaa looga hadlay Dardar galinta Aminiga Magaalada Nadafada iyo kordhinta dakhliga,iyo sidii Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir u fulin lahaayeen amarkii u saabsanaa in wadooyinka laga aruuriyo Xoolaha.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo akhriyey qodobadii kasoo baxay Shirkaas ayaa sheegay in sidoo kale guddoomiyeyaasha la amaray inay wax ka qabtaan dadka Guryaha ka dhisanaya wadooyinka dhexdooda,isla markaana ay sameeyaan howlgallo burburin ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.