DHAGEYSO,,Gudoomiyaha Degmada a oo Amar kusoo rogey shirkadaha forex trading

0 219

Gudoomiyaha maamulka Degmada beydhabo Ahna Duqa magaalada Beydhabo xasan macalin axmed ayaa amar dul dhigey shirkadaha forex ka ee kahowlgala magaalada beydhabo ,

Xassan macalin axmed biikoole ayaa sheegey in shirkadaha forexka ay yihiin shirkado been abuur ah, waxa uusheegey in lacgta ay aruurinaayaan ay yihiin lacago qaldan islamarkaana aysan jirin shirkado damiin ka ah .

Gudoomiye biikoole ayaa sidookale sheegy in maamulka Degmada uusan ogaalaan doonin in shacaka ladhaco , waxa uuna shacabka ugu baaqey in lacgtooda ilaashadaan

Ugu danbeen gudoomiyaha Degmada beydhabo xassan macalin axmed biikoole ayaa amar kubixiyey laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahy 14 ,3,2020, inay iska dhaafaan cidii lagu qabto shirkad forex ah oo ku dhex shaqeynaysa magaalada lagu ganaaxi doono ganaax dhan 5,000 oo doolar,

20kii biishii 2aad ee sanadkaan ayey aheyd markii wareegto kaso baxdey xafiiska gudoomiyaha gobolka banaadir lagu mamnuucey bixinta ruqsadaha shirkadha kaganacsada sarifka lacagaha qalaad ee forex trading,

hoos ka Dhageyso codka gudoomiye biikoole

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.