DHAGEYSO:madaxweyne Waare oo sheegey Shabaabka ku sugan Hirshabeelle in ay ku wajahan yihiin Puntland

0 305

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi (Waare) ayaa sheegay maamulka Hirshabeelle inuu soo fuulay culeys aad u fara badan oo aan horey u jirin oo ay soo saareen xoogaga ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in ay sabab u tahay ilaa Saddex arrimood oo ay ka mid yihiin in degaanada Hirshabeelle ay soo gaareen Shabaab ka soo cararay Howlgallo cirka iyo dulka isugu jira oo ka socda Maamulada deriska la ah Hirshabeelle iyo xasilooni darada guud ahaan ka jirta dalka ee xaga siyaasadda.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay sida ay xogta ku heleen qaar ka mid ah Shabaabka soo gaaray degaanada Hirshabeelle in ay ku sii socdaan gobollo xaga Waqooyiga xiga oo ay ugu horeyso Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay u diyaar garoobeen Dagaalka Shabaab, isaga oo sidoo kale shacabka ka dalbaday in Ciidamada ammaanka ay la shaqeeyaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.