DHAGEYSO:Raiisal wasaare Khayre oo baaq u diray Ciidamada Booliska

0 264

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Ciidamada Booliska ugu baaqay in ay si sharaf leh oo ixtiraam leh ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay dalkan inuu baabi’iyay qayaalad iyo dad wata dano gaar ah, si looga xoroobana ay tahay in Ciidamada ay ka fogaadaan cadaalad darada, nin jecleysi iyo musuq maasuq.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana boggaadiyey saraakiishan cusub ee Boliiska Soomaaliyeed, waxuuna ku amaanay sida ay ugu soo hureen naftooda in ay u shaqeeyaan dalkooda, isla markaana ay ka filayaan isbadal ballaaran oo la taaban karo inay ku soo kordhin doonaan guud ahaan ammaanka dalka.
Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka sheegay xilli uu ka qayb galay munaasabad loo sameeyay dufcad ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhameysatay tababar.


You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.