DHAGEYSO:Taliye Ciro oo ka hadlay Xaaladda Gaalkacyo

0 247

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Qeybtooda 21-aad ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka oo laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo.

Korneyl Ciro ayaa xusay in bulshadda Magaalada Gaalkacyo si wanaagsan ula shaqeeyeen Ciidamada xoogga dalka intii wadeen howlgallada.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in la xoojin doono Ammaanka Gaalkacyo, islamarkaana ciidamada isku dhafka ah ay gacanta kusoo dhigi doonaan cidwalba oo geysata falal lidi ku ah Ammaanka.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Garod ayaa dhawaan sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka qeyb qaadan doonaan Xasilinta gobolka Mudug, waxaana hadda ay jooggaan Goobaha lagu muransan yahay ee Gaalkacyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.