Dhageyso;Waxyaabo badan Oo Xasaasi ah oo looga hadley Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

0 223

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koofur galbeed Soomaaliya, Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee ay Khamiis walba yeeshaan golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,

Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu shir gudoominayey Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa Todobaadkan looga hadley Arimo Badan oo Xasaasi oo ay kamid ahaayeen Amniga,Dhaqaalaha,Shaqaaleysiinta Bulshada,Maamul u sameynta Degmooyinka iyo qodobo kale oo muhiim ahaa,

Waxaana warbixino laga dhageystey qaar ka mid ah golaha wasiirada dowlad goboleedka KG oo ay kamid ahaayeen Wasaaradaha Amniga,Dhaqaalaha,Arimaha gudaha, Beeraha,Boostada Shaqada iyo Shaqaalaha,waxaana ay sheegeen dhammaantood in howlaha ay u socdaan sidii loogu tala galey

wasiirka Amniga Mudane Isaaq Cali Subag ayaa laga dhageystey arimaha Amniga waxaana uu sheegey in Ammaanka Guud ahaan Deegaanada KG uu yahay mid wanaagsan howlgallo Amniga lagu xaqiijinayeyna laga fuliyey deegaano dhowr ah,

Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta ayaa sidoo kale waxaa looga dhageystey Arimaha Maamul u sameynta Degmooyinka gaar ahaan Degmada Diinsoor waxaana uu sheegey in howluhu ay u socdaan sidii loogu tala galey,

Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa iyaguna ka warbixiyey waxyaabaha u qabsoomey ay halka ay waxu u marayaan,

Shirka ayaa intii uu socdey waxaa sidooo kale looga hadley Khilaaf la sheegey in uu ka dhexjiro Jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soojeeda Deegaandan KG ee Waqooyiga Ameerika Waxaana ay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiirada in Xaliyaan Khilaafka ay Midoobaan kana Gudbaan isqabqabsiga ayna ka Shaqeeyaan Horumarka Koonfur Galbeed,waxaana loogu baaqey oo loo sheegey in aysan jirin Maamulka Koonfur Galbeed Wax Jaaliyad ah oo ay ilaa iyo haatan ay Aqoonsadeen,

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhankiisa uga Mahad Celiyey Golihiisa Wasiirada sida ay marwaliba ugu Dadaalayaan Howlaha loo igmadey ee Bulshada Reer Koonfur galbeed,

intaasi kadib waxaa Warbaahinta la hadley oo uga Warbixiyey Guud ahaan waxyaabaha Shirka Golaha Wasiirada Looga hadley Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Ugaas Xasan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.