Dhalinyarada Muqdisho oo loogu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga

0 254

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa casho sharaf u sameeyay dhamaan dhalinyaradii ka qeyb gashay shir weynihii Qaran ee dhalinyarad ee Muqdisho lagu qabtay.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanada Labada Golle ee Baarlamaanka, Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Guddoonka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay iney isku tashadaan oo ay hormarka dalka ka shaqeeyaan.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo ku hadlaayay magaca Xildhibaanada labada Golle ee kulanka ka qeyb gashay ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed looga baahan yahay iney dhalinyarada wacyi gelin u sameeyaan.

Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay socdaan qorshayaal lagu hormarinayo dhalinyarada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.