Dhalinyaro ka barakacay Shabaab oo gaaray Galgaduud

0 241

Saacidihii ugu dambeeyay waxaa gaaray degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya, dhalinyaro kala duwan oo ka soo baxsaday degaanada ay maamulaan Al Shabaab ee Gobolka Mudug.

Dhalinyaradaan ayaa ka baxsaday in si qasab ah loo askareeyo, kadib markii Madax ka tirsan Shabaab ay ku amreen beelaha dega nawaaxiga Degmada Xaradheere inay keenaan dhalinyaro Shabaab lagu biiriyo.

Waalidiinta dhalaya dhalinyarada ayaa ka biyo diiday in carruurtooda ay raaciyaan Shabaab, waxayna go’aansadeen inay la baxsadaan carruurtooda oo ay geeyaan dhulka aysan Shabaab ku sugnayn.

Shalay illaa maanta ayaa la sheegay Magaalada Cadaado, Baxdo iyo Xinlabi inay gaareen dhalinyaro badan oo waalidiintooda ay la carareen, kadib markii Shabaab ay kala soo baxsadeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.