Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhibaato culus ku heysato Cummaan

0 128

Xabsiyadda dalka Cummaan waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed ,kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Dhalinyaradda ku xiran Xabsiyadda Cummaan ayaa qaarkood waxa ay ku sugan yihiin Xaalad adag sidda ay Risaala u sheegeen qaar ka mid ah dhalinyaraddaasi.

Dhalinyaraddaasi ayaa Maxkamad ku taalla dalka Cummaan ay horay ugu xukuntay mid 25 sano oo xabsi ah, waxaana hadda ay qaateen 9 sano.

Markii ciidamada dalkaasi ay gacanta kusoo dhigeen ayaa tiradooda waxa ay aheyd 36 labo ka mid ah ayaa xabsiga ku dhimatay sidda ay inoo sheegeen dhalinyaradda.

Waxaa xabsiga dhexdhiisa ku heysta Caafimaad daro daran,iyadoona kuwooda xanuunsadda aan isbitaal la geyn.

“Waxa nahay dhalin-yaro ku eedaysan burcad badeednimo, waxaa ku xiran nahay xabsi ku yaala Cuman, waxaa nalagu xakumay 25 sano, waxaa hadda qaadanayy 9 sano,xaalad adag oo dhanka nolosha ayaa nagu haysata halkan, waxaa nooga dhintay 2 naga mid ahaa oo tiradeena hore waxa ay ahayd 36, fadlan fariinteena dawladda iyo dad badan oo noo hiiliya” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradda.

Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ku heysta dalka Cumman

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.