Dhgeeyso,,Maamulka gobolka bay oo kormeerey wadooyinka dhismaha kascoda ee magaalada beydhabo.

0 234

Gudoomiyaha gobolka bay mudane cali wardheere cabdiraxaxmaan dooyow ayaa maanta kormeer kutagey qaar kamid ah wadooyinka magaalada beydhabo oo dhismo kasocda.

Kormeerkaan ayaa ahaa mid uu ugu kuur galayey sida ay usocdaan dhismaha wadooyinka iyo bur burinta guriyaha sharci darada .

Meelaha uu kormeerka kasameeyey gudoomiyihu waxaa kamid ahaa wadooyinka dhexmara xaafada horsed ee magaalada beydhabo oo kasocda dhismo iyo bur burinta guriyaha sharcidarada ah ee soo galay wadooyinka.

Gudoomiye cali wardheere oo kormeerka kadib lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegey in dhisida wadooyinkaan bulshada dhinaca waliba kacaabiyeen waxa uuna sidookale sheegey inay sii socon doonaan howlaha lagu bur burinayo guriyaha a sharcidarada ah laguna dayactirayo wadooyinka magaalada beydhabo .

Dhismaha waddooyinkaan ayaa maamulka gobolka bay waxaa gacan kasiinaya qaar kamid ah hey,adaha kahowlgala magaalada beydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.