Dhulgariir ku dhuftay Peru

0 290

Dhul gariir lagu qiyaasay xooggiisa 7.1 ayaa 2 qof ku dilay, 65na ku dhaawacay koofur galbeed dalka Peru, sida ay sheegtay xukuuumadda dalkaas.

Xilliga dhulgariirku dhacay ayaa ahayd 12:18 duhurnimo ee Afrikada bari, Axaddii.

Halka xuddunta u ah dhul gaariirka ayaa ahayd badweynta Baasifigga, waxaana gariirka laga dareemay meelo ka durugsan ilaa 36KM, sida ay sheegtay hay’adda Maraykanka u qaabilsan sahanka dhulka.

Hore waxay maamulayaasha Peru u sheegeen inay jiraan warar aan la hubin oo sheegaya in la’ yahay 17 qof oo macdan qodayaal ah.

Wasiirka caafimaadka ee Peru Abel Salinas wuxuu sheegay in kooxaha samata bixinta ay gaareen halka macdanta laga qodo.

Xukuumaddu waxay sheegtay oo kale in gariir xoog leh laga dareemay magaalada Lomas oo 26 KM u jirta xuddunta dhul gariirka.

Barasaabka gobolka Arequipa Yamila Osorio ayaa Twitter (luqadda Isbaanishka) ku sheegtay in nin uu ku dhintay magaalada Yuaca ka dib markii uu dhagax ku dhacay.

Qof kale ayaa isna ku dhintay magaalada Bella Union ka dib markii uu dhisme ku soo dumay, sida uu idaacad u sheegay madaxa machadka Peru ee difaaca.

Machadku wuxuu sheegay in 65 qof ay ku dhaawacmeen gobollada Arequipa, Ica iyo Ayacucho.

Maamullada gobollada ayaa sheegay in guryo ay ku burbureen tiro magaalooyin yaryar ah.
La wadaag qodobkan Faahfaahin

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.