Diinsoor Xaflad Soo dhaweyn ah Oo loo sameeyey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen[SAWIRO]

0 250

Xaflad si Heersare loo soo Agaasimey oo Lagu Soo Dhoweynayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Xalay Lagu Qabtay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay,

Maamulka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa soo dhawyntan ugu Talagalay Wafdiga uu Hogaaminayo Madaxweyne Laftagareen ee Booqashada ku jooga Degmadaasi iyadoo Halkaasi ay suugaan kala duwan ay ku soo bandhigeen Kooxda Jinnaawkey kuwaas oo ka turjumayey waxqabadka Maamulka uu Hogaaminayo Madaxweyne Laftagareen ee Koonfur Galbeed,

U jeedada Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u tegay degmada Diinsoor ayaa ah ka qeyb galka Xafladda lagu Caleema saarayo Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo ay dhawaan doorteen Golaha Deegaanka Degmadaasi Diinsoor Oo ay dhawaan dhistey Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Sidoo kale Madaxweynaha koonfur Galbeed ayaa inta uu ku sugan yahay degmada diinsoor waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinayo degmadaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.