Dil Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle

0 67

Wararka aan ka heleyno Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Ceyn dhinaca Puntland ayaa waxaa ay ku warramayaan in saacadihii lasoo dhaafay gudaha Magaaladaas lagu dilay Nin la sheegay inuu shacab ahaa.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa toogtay Ninkaas, xili uu kusii jeeday hoygiisa, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inuu u geeriyooday rasaas dhowr ah oo qeybaha sare ee jira looga dhuftay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Caaqil Xasan Sheekh Saleebaan, isagoo kamid ahaa dadka deegaanka Magaalada Buuhoodle, iyadoo goobta uu falku ka dhacay ay tageen qaar kamid ah Eheladiisa oo qaaday Meydka.

Lama oga sababta loo dilay Caaqil Xasan Sheekh Saleebaan, hayeeshee dilkiisa ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay Magaalada Buuhoodle oo ay horey u geysteen dabley hubeysan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.