Diyaarad Gargaar sida oo ka degtay Garoonka Hargeyso

0 475

Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakey ay ka degtay diyaarad sida gurmad kala duwan oo dhinaca Caafimaadka ah,kaas oo loogu talo galay Cudurka COVID 19.

Diyaaradaan ayaa waxaa ay ka timid wadanka Imaaraadka Carabta,waxaana la sheegay inay wado Dawo iyo qalab Caafimaad oo ay ugu deeqeen Soomaaliland,kuwaas oo isugu jira kuwo looga hortagayo Cudurka Coronavirus iyo kuwo lagula tacaalayo.

Wasiirada Caafimaadka iyo Maaliyadda Somaliland oo Warbaahinta la hadlay ayaa uga mahad celiyay dawladda Imaaraadka gargaarkan ay soo gaarsiiyeen xilli dunidu dawooyinkoodi ay dib u keyd sadeen oo isku socodka iyo isku gurmadku yaraaday .

Soomaaliland ayaa dhawaan waxaa laga helay laba kiis oo kamid ah Cudurka Coronavirus,iyada oo shalay Guddiga ka hortaga Cudurka ay sheegeen in dhawaan la keeni doono qalabka lagu baaro Cudurka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.