Doorashada Baarlamaanka Jabuuti oo Berri Dhaceysa

0 201

Guud ahaan degmooyinka dalka Jabuut ayaa lagu waddaa in ay Berri ka bilaabato doorashooyinka Baarlamaanka dalkaasi, waxaana ku tartamaya xisbiyada isku tagay aqlabiyadda madaxtooyada UMP iyo xisbiyada EDG PDD iyadoo ay ku tartamayaan ilaa 65 xildhibaan oo kasoo bixi doonta dhamaan dalka Jabuuti oo dhan.

65-ka xildhibaan ee loo tartamayo 35-xildhiban oo ka mid ah waxa ay kasoo bixi donaan caasimadda Jabuuti halka 30-ka xildhibaan ee kalana laga soo dooran doono afarta gobol ee dalka, waxana xisbiga talada haya kula tartami doona gobolada dalka.

Ololaha doorashooyinka baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa socday maalmihii lasoo dhaafay.

Ammaanka dalka Jabuuti ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti ay Xisbiyadda ugu baaqeen in ay doorashada uga qeyb galaan si nabad geliyo ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.