Doorashada gudoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta oo jimco ah lafilayaa inay kadhacdo Dhuusamareeb

0 188

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa lagu wadaa in Maanta oo Jimce ah ay ka dhacdo doorashada gudoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug.

7 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Guddoonka,waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya Saddex Musharax oo kala ah,Dr. Maxamed Nur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa waxaa u taratamaya Saadaq Sheekh yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed,halka kuxigeenka labaad ay ku tartami doonaan,Axmed Maxamed Maalin iyo faaddumo Cabdi Cali.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa aad looga dareemayaa doorashada Maanta dhaceysa,iyada oo Amniga guud ee Magaalada aad loo adkeeyey,isla markaana lagu arkayo Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Xalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay kulamo kala duwan oo musharixiinta guddoonka Baarlamaanka ay codadka ku weeydiisanayeen,iyada oo Magaalada ay kusii qul qulayaan wufuud kala duwan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.