Haweeney Somali la kufsaday oo dalka Australia la geeyay si ilmaha laga soo xaaqo

0 374

October 12 2015 (Radio Baidoa) Haweeneydaasi oo 23 jir ah ayaa uur qaaday, kadib, markii lagu kufsaday Xarun lagu hayo Muhaajiriinta oo ku taalla Jesiiradda Nauru, waxaana dhawaan ay ka codsatay dowlada Autralia in loo ogolaado in ay dalkaasi gasho si ilmaha ay iskagag soo xaaqdo.

Dhinaca kale Saraakiisha police-ka jazeerada Nauruan, ayaa sheegay in aysan jirin cadeeymo buuxda oo ku aadan gabar soomaali ah oo ku jirtay xeradaasi Qaxooti oo lagu kufsaday jazeerada.

Sidoo kale Najma, ayaa warisay in labo Nin ay ku weerareen hoygeeda, kadibna ay si qasab ah ay ugu galmoodeen, waxaana ay sii raacisay in Afar saacadood ka dib ay uyimaadeen police-ka ayna uqaadeen saldhigooda.

Garyaqaanadda matalaya Haweeneydaasi ayaa sheegay inay Dowladda Australia ku fashilantay inay aqbalaan Codsigeeda, si ay Haweeneydaasi Kaalmo Caafimaad uga hesho gudaha dalka Australia.

Geothe Newhouse oo Wakiil u ah Haweeneyda Soomaalida ayaa ka dayriyey Xaalladeeda Caafimaad, wuxuuna sheegay inay jiran tahay, isla markaana tahli kari weyday inay Telefoonka ama Kombiyuutrka kala hadasho Garyaqaanadeeda.

Radio Baidoa

Waxaad Nagala Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.