Dowlada Itoobiya oo liiska Argagixisada ka saartay ururada hubeysan

0 140

Kadib kulan xildhibaanada Baarlamaanka dalka Itoobiya ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Addis-ababa ayaa waxa ay isku raaceen in liiska Argagixisada ka saaraan ururada hubeysan ee Mucaaradka ah.

Kulankan oo ahaa mid deg deg ah ayay xildhibaanada Baarlamaanka Itoobiya ku ansixiyeen qaraar ay Golaha Wasiirada dhawaan u soo gudbiyeen, kaas oo ahaa in liiska Argagixisada laga saaro ururada hubeysan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay xubnaha Baarlamaanka in ay si aqlabiyad leh u meel mariyeen qaraarka liiska Argagixisada looga saaray Ururada ONLF, OLF iyo Ginbot 7.

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa maalin kahor waxa ay isku raaceen in liiska Argagixisada laga saaro ururadan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya dalka Aby Ahmed Ali ayaa tan iyo markii xilkan la wareegay bilooyin kahor wuxuu wadaa isbedel siyaasadeed oo ku dhisan furfurnaan.

Kummanaan Maxabiis ah oo siyaasiyiin ay ku jiraan ayaa xabsiyada dalka Itoobiya uu ka sii daayay Ra’iisul Wasaare Aby Ahmed oo talada dalkaasi haya wax yar, wuxuuna sameeyay isbedel weyn oo shacabkiisa ay soo dhaweeyen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.