Dowladda Iran oo deldeshay 8 qof oo Daacish ka tirsanaa

0 143

Iran ayaa dishay siddeed qof oo ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay Weerarkii bambaanooyinka ahaa 2017-kii lagu qaaday xarunta baarlamanka Tehran iyo xaruntii Ayatollah Khomeinium.

Wakaaladda wararka ee Iraan ayaa werisay Sabtidii maanta in siddeed xubnood oo ka tirsanaa Dawladda Islaamiga Daacish in la deldelay.

Dadka la deldelay waxaa ka mid ahaa Soleiman Mozafari, Esmail Sufi, Rahman Behrouz, Majed Mortezai, Sirous Azizi, Ayoub Esmaili, Khosro Ramezani iyo Cisman Behrouz.

Weerarkii Bishii Juun 7, 2017-kii ka dhacay Iiraan ee lagu dilay ugu yaraan 18 qof waxaa uu ahaa weerarka kaliya ee Daacish ay ka fulisay Gudaha dalka Iraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.