Dowladda Itoobiya oo sii deysay Cabdikariin Muuse QalbiDhagax
Dowladda Itoobiya ayaa ugu danbeyntii Xabsiga ka sii deysay Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka ONLF bilihii ugu danbeeyayna u xirnaa dowladda Itoobiya.
Qalbi Dhagax oo wareysi kooban Warbaahinta siiyay ayaa sheegay in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, islamarkaana muddadii uu xirnaa uu heystay Raadiye iyo Internet sida uu hadalka u dhigay oo uu la socday wax ka dhacaya caalamka, sawirro laga soo qaaday ayaa la arkayay isaga oo xiran dharka Suutka ah islamarkaana dhoola-cadeynaya.
Bishii Agosto ee sanadkii 2017 ayeey aheyd markii sida la sheegay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ka soo qabteen magaalada Gaalkacyo, wixii xiligaa ka danbeeyayna dowladda Soomaaliya ayaa u gacan galisay dowladda Itoobiya, iyadoo taallaabadaa kala kulantay caqabado siyaasadeed, iyadoo lagu cambaareeyay dhiibista Qalbi-Dhagax.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya wali kama aysan hadal warka ku saabsan sii deynta Cabdikariin Muuse QalbiDhagax.