Dowladda Madagascar oo loo qabtay 4 maalmood in ay xilka kaga degto

0 164

Maxkamadda Dastuuriga ah Madagascar ayaa dowladda u qabatay iney muddo 4 maalmood ah ay xilka kaga degto, ama ay toddoba maalmood gudahood ku soo dhisto dowlad loo dhan yahay.

Hoggaamiyaha dalka ayaa waxuu ku guul darreystay inuu soo afjaro muranka siyaasadeed ee taagneyd tani yo jimcihi la soo dhaafay, iyada oo madaxweyne Hery Rajaonarimampianina loo qabtay toddoba maalmood inuu ku soo magacaabo ra’isalwasaaraha cusub.

Si loo soo afjaro muranka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeeda.

Maxkamadda go’aankaasi ay gaartay ayaa waxay xal ugu raadineysaa iney murankan taagan ay si sharci ah ugu soo afjarto.

Mucaaradkuna waxay go’aanka maxkamadda ka soo baxay ku tilmaameen inuu yahay mid ay maxkamadda ay ku difaaceyso musharraxa doorashada iisu soo istaagay sanadki hore.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.