Dowladda Mareykanka oo dib u dhigtay dib u celinta 92 qof oo Soomaali ah

0 233

Darrin Gayles, oo ah Garsooraha Maxkamadda Gobolka Miami dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay Dacwadda dad Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 92 qof oo dhawaan laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka, Laakiin diyaaradii siday ay dib ugu laabatay dalka Mareykanka.
Waxaa uu sheegay in dadkaasi ay suurtagal tahay in ay ku biiraan Al-Shabaab hadii lagu celiyo Gudaha Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in si qasab ah la doonaayay in dib loogu soo celiyo dadkaasi Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in diyaarad siday ku dhawaad 92 qof oo Soomaali ah oo laga masaafuriyay dalka Mareykanka in diyaaradii siday ay cilad ku timid.
Dadkaan ayaa heysan sharciga lagu jooggo dalka Mareykanka, waxaana laga soo qabtay qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka.
Diyaaradda siday dadkaan ayaa ka degtay Magaalada Deka ee Caasimadda dalka Senegal, waxaana intaasi ka dib ay dib ugu laabatay dalka Mareykanka.
Maxkamaddaha Mareykanka ayaa ku tilmaamay falka dadkaasi lagu soo masaafurin rabay mid Sharciga hareermarsan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.