Dowladda oo ka hadashay isbedelka lagu sameeyay Ciidamada ku sugan Isgoysyada

0 198

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay isbedelka lagu sameeyay Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoysyada Muqdisho iyo kala xirnaansha Magaalada.

Sabtidii shalay aheyd ayaa waxaa la qaaday Ciidanka Xasilinta ee ku sugnaa dhawr Kontorool oo ku yaalla Muqdisho, waxaana lagu soo bedelay Ciidamo Boolis ah oo ammaanka xaqiijinaya, baarayana gaadiidka kala duwan.

Wasaaradda ayaa marka hore bogaadisay Ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan oo ka hortagay in ay shacab waxyeelo ka soo gaarto laba qarax gaadiid oo ururka Al-shabaab Jimcihii ina dhaaftay ay la eegteen laba Kontorool oo ku kala yaalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska Banaadir.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in aysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada Muqdisho, balse ujeedadu ay tahay dib u habeyn lagu sameynayay Ciidamada ammaanka, waxay kaloo beenisay in ay kala xiran tahay Magaalada.

Caqabad wayn ayaa maalmahan ka taagneyd Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka shacabka ah ay dhibaato ku qabeen, kadib markii dhammaan Mootooyinka Bajaajta iyo gaadiidka yar yar loo diiday inay ka soo gudbaan wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.
HALKAN HOOSE KA AKHRISO

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.