Dowladda oo Maamul Goboleedyada Gaadiid ku wareejisay

0 178

Wasaaradda Waxbrashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay gaadiid kala duwan ku wareejisay Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

“Waxaan maanta ku wareejinay Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada Dalka 11 baabuur oo laga iibiyay mashruuca “Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada” (Global Partnership for Education) ayuu yiri”Wasiir Goodax Barre.

Gaadiidkaan ayaa waxaa loogu talo galay in baahiyaha Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada lagu daboolo sida kormeerka iyo howlaha kale ee qeybta ka ah horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka Waxbarashada Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in uu mahadcelinayo mashruuca “Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada” (GPE) oo kaalin muhiim ah ka qaatay horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.