Dowladda oo qalab loogu talo galay ka hortaga COVID 19 ku wareejiey Maamulka Koonfur galbeed

0 143

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu talo galay ka hortaga Cudurka Corona Maamulka Gobolka Banadir iyo Maamaul Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Qalabka ayaa waxaa Dawladda Soomaaliya ugu deeqay maalqabeen u dhashay dalka Shiinaha oo lagu Magacaabo Cali Babab ,kaas oo Mamula Shirkadda Jack Ma Foundation.

Sidoo kale Maalinta berito ah ayaa la filayaa in qalabkan la gaarsiiyo Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

Dhawaan ayaa Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ay qalabka loogu talo galay ka hortaga Coronavirus ugu wareejisey Punland iyo Somaliland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.