Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab

0 161

Ciidamadda kumaandooska ee DANAB iyo gor-gor oo siwada jir ah u howlgalaya ayaa waxaa la sheegay in Al-Shabaab kala wareegeen degaanada jilib marko iyo gendershe oo hoosyimaado degmada marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid qorsheysan aoo ujeedkiisu ahaa in Shabaab laga saaro dhulka xeebta ee u dhexeeyo degaanka Jasiira iyo degmada marko.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka DANAB G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabaka Sida u sheegay in Ciidanka intii ay howlgalka xoreeynta ah kuguda jireen ay ku dileen laba Sarkaal oo u qaabilsanaa Al-Shabaab degaanada Xeebta ah oo ay Ciidamadda la wareegeen.

Taliyahaa ayaa sheegay in saraakiisha la dilay inaylagu kala Magacaabi jiray xeroow,iyo ciise yare, isla markaana ay weli ku raadjoogaan saraakiil kale,sidoo kalena Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ay haatan waxay wadaan howlgalo baaritaano ah oo ay ku xaqijinayaan amaanka degaanada jilib marfko iyo gendershe ee gobolka Shabeelaha hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.