Dowladda oo u digtay Hay’addaha ka howlgalla Soomaaliya

0 205

Xukuumadda Soomaaliya ayaa kaga digtay dowladdaha iyo sidoo kale Hay’addaha kala duwan ee doonaya in ay ka howlgallaan Soomaaliya in ay ka shaqo billaabaan Soomaaliya, iyagoo aan ka heysan Fasax dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in marnaba dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in Ogolaansho La’aan Hay’addo Shisheeye ay ka shaqeyaan Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad ayaa tilmaamay in cidda walba ay soo marto dowladda Soomaaliya si loo hubiyo waxyaabaha ay ka qabaneyso Gudaha Soomaaliya.

Waxaa uu tusaalle u soo qaatay Hay’adda Qaramada Midoobey oo uu sheegay in dhammaan ay ka howlgallaan Soomaaliya, islamarkaana ay Ogolaansho ka heystaan Dowladda Soomaaliya

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.