Dowladda Shiinaha oo beeniysay in ay carqaladeysay Diyaaradaha Maraykanka ee Afrika

0 155

Dowladda Shiinaha ayaa beeniyay in ciidankiisa jooga saldhigga uu ku leeyahay Djibouti ay ileyska ku shiisheen diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee isicmaalla saldhigga Maraykanka ee Djibouti.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa tiri “kaddib markii aan si adag u hubinnay, waxaan u sheegnay dhinaca Mareykanka in ay dhabt ahaantii ay been tahay waxa ay nagu eedeeyeen”

Leysarradani waxaa loo adeegsadaa sidii loogu cawari lahaa indhaha dadka la rabo in la bartilmaameedsado muddo kooban.

Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in diyaaradahani ay si nabad ah u caga-dhigteen saldhiga Lemonnier ee dalka Djibouti, balse waxaa dhaawacyo fududi soo gaareen laba askari.

Murankan dhinaca millatari ee labada waddan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka ganacsi ee Shiinaha iyo Mareykanka uu aad u xumaaday, kadib marki ay labada dal isugu jawaabeen canshuur kordhin dhinaca badeecadaha ay isu dhoofiyaan.

Mareykanka ayaa waxaa dalka Djibouti ee bariga Africa ka jooga ciidamo gaaraya 4,000 oo askari, iyagoo halkaasi ka fuliya howlgallada la dagaalanka argagxisiada ee Qaarada Africa.

Saldhigaasi Mareykanka waxaa Dhowr kilo-mitir u jira saldhiga ay milatariga Shiinaha ku leeyihiin Djiboutii. Dowlada Beijing waxay sheegtay in halkaasi ay u joogaan danaha Shiinaha ee Caalamka iyo howlo dhinaca nabad-ilaalita ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.