Dumar lagu dhaawacay Laascaanood

0 141

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi lagu dhaawacay dhowr qof oo dumar ah.

Sidda ay Radio baidoa u xaqiijiyeen Wariyeyaal ku sugan Magaalada Laascaanood Ciidamada ayaa Xabado ku furay dumar la sheegay in ay iibinaayeen qaad.

Ciidamada falkaan geystay ayaa ka tirsan ciidamada xoogga Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Ciidamada iyo Haweenka ayaa waxaa soo gala dhexgalay Khilaaf, waxaana taasi ay sababtay in ciidamada Somaliland ay furaan xabado.

Banaabax ballaaran oo looga horjeedo dhaawaca haweenka ayaa la sheegay in hada ay ka socdaan Magaalada Laascaanood

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.