Dumarka ka dilaala xoolaha oo kusoo badanaya Garissa

0 222

Magaalada Garissa waxaa ku soo badanaya dumarka xoolaha u kala iibiya dadka ee dilaalka ka raadsada noolal maalmeedkooda.

Dumar badan oo ganacsata ah oo qaarna xoolaha iyaga iibsada qaarna dadka u kala iibiya ayaa aad uga dhex muuqanaya seyladda xoolaha ee magaalada Garissa oo ah seyladda ugu weyn ee xoolaha nool lagu kala iibsada ee bariga Afrika.

Arrintan ayaa ah mid ugub ku ah dad badan oo soomaali ah, maadaama ragga oo keliya looga bartay inay wax dilalaan, waxaana dumarka Garissa ee arrintan ku hawlan ay ka cabanayaan ragga oo u xoog sheeganaya, kuna garbinaya shaqadan,

Dumarka soomaaliyeed ayaa badankood ah kuwo biilka qoysaskooda soo dhacsada iyaga oo aan ragooda ka sugin biil

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.