DAAWO”Duqa Degmada Baydhabo Oo Kormeerey Suuqa Xoolaha ee Baydhabo[SAWIRO]

0 296

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Baydhabo Xasan Macalin Axmed [biikole] ayaa kormeer uu ugu kuuragalayo xaalada Suuqaa Xoolaha Degmada Baydhabo iyo sida ay u socoto howsha loo hayo Bulshada ku nool Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada hoosyimaada Degmada waxaa uu ku tagey Suuqa weyn ee Xoolaha Lagu kala iibsado ee Degmada Baydhabo.

kormeerka Gudoomiyaha ayaa waxaa ku wehliyey Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee dhinaca Amniga iyo Siyaasada Gudoomiye ku Xigeenka Dhinaca Amniga iyo Siyaasada Mudane Isaaq Maxamed Cali(Teygaab] ayigoo indhaindheen ku sameeynaayey dhaqaalaha ka soo xarooda Suuqa xoolaha iyo Ganacsatada Maagalada Baydhabo.

kormeerka kadib Gudoomiyaha Oo Xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo horumarin lahaa Dhaqaalha ,dib u dhiska iyo horumarinta Magaalada .

Dhanka kale Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Bulshada ugu baaaqay in ay ka digtoonaadaan iibsashada Dhulka aan sharciga lahaeyn sidoo kale ay ka shaqeeyaan Nadaafada Magaalada si loo xaqiijyo Caafimaadka iyo Bilicda magaalada Baydhabo.

Guntii iyo gabagabadii Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Xassan Macalin Ahmed Bikoole ayaa sheegay in cid allaa cidii u hogaansami weysa sharciga lala tiigsanayo talaabo waafagsan Sharcigana laga qaadi doono.


You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.