Duqeymo Cusub oo lala beegsadey Al-Shabaab & Dowladda oo ka hadashay

0 163

Ciidamadda Kumaandooska Dowladda Soomalaiya oo kaashaanaya howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa duqeeyay Xarumo Al-Shabaab kulahaayeen degmooyinka Jilib, Bu’aale, Saakow iyo degaanka Salagle oo dhamaantood kawada tirsan gobolka Jubada dhexe.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandoosta ayaa waxaa ay sheegeen in Duqeeynta oo dhacday xalay lagu bur buriyay fariisimo iyo gaadiid ay lahaayeen Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16aad kumaandooska Xoogga Dalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay duqeynta in waxyeelo xoogan ay kaso ogaartay Saraakiil iyo Xubno katirsan Al-Shabaab,kuwaasi oo ay dib kasoo sheegi doonaan tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray.

Taliyaha ayaa intaasi kudiray in Al-Shabaab haatan ay bilaabeen inay isaga baxaan deegaano ka tirsan Jubbada dhexe cabsi,kadib markii ay kordheen weerarada dhinaca cirka ah oo uu la ebegsanayo Mareykanka.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay howgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa waxaa lagu sheegay in markale Mareykanka uu duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyey deegaanka Janeele ee Gobolka Shabeellaha Hoose lana beegsadey Xarumo Al-Shabaab.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas oo dhacdey shalay Gelinkii dambe ay ku dileen 5 Xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab,hayeeshee wax khasaaro ah kasoo gaarin dad Shacab ah.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadlay duqeynta deegaanka deegaanka Janeele ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen n Mareykanka uu duqeyntaas ku diley Afar Qof oo Shacab ahaa.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa bahisey in Afarta qof ee Shacbaka aha ay wateen Gaari kuna soo jeedeen dhinaca Magaalada Muqdisho,hayeeshee gaarigooda lagu dhuftey laba gantaal xilli ay marayeen Goob lagu Magacaabo Ugunji oo u dhow deegaanka Jannaale ee Gobolka Sh/Hoose.

Si kastaba Mareykanka ayaa todobaadkaan waxaa uu kordhiyey duqeymaha uu la beegsanayo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab,waxaana todobaadkaan gudihiisa uu fuliyey in ka badan Saddex duqeymood.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.