Duqeyn ka dhacday duleedka Kismaayo iyo Guddoomiyihii Beled-xaawo oo dil ka badbaaday

0 320

downloadApril 12 (Radio Baidoa)— Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Yoontoy ay ku dhinteen illaa 8-ruux oo shan ka mid ah ay yihiin Al-Shabaab.

Deegaanka weerarka ka dhacay ayaa qiyaastii 25Km u jira Kismaayo, waxaana la sheegay in diyaarado aan la aqoon dalalka laga leeyahay ay duqeeyeen deegaanka Yoontoy.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqleen jug xoogan oo aheyd duqeyn cirka aheyd.

Weerarada ay geysanayaan diyaaradaha aanay cidna wadin ee loo yaqaano Drone iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa weeraro is daba joog ah ka geysanayay deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Beledxaawo Yuusuf Maxamed Kaante ayaa ka bad baaday isku day dil, markii gaari uu la socday lala eegtay qarax.

Guddoomiyaha Beledxaawo ayaa sheegay inuu bad-qabo, isla markaana aanay wax dhibaato ah soo gaarin.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah labo askari oo ahaa ilaalada Guddoomiyaha Beledxaawo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.