Duqii hore ee Muqdisho oo ku baaqay in aan lagu deg degin xilka ka qaadista Mas’uuliyiinta

0 219

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyay Gudoomiyihii gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in aan lagu deg degin xilka ka qaadista Madaxda xilka heysa.

Waxaa uu sheegay in Taabid uu xilka haayay muddo ka yar 9 Bilood, sidaasi darteed aan lagu eedeyn karin waxqabad xumo , maadaama aan la siin waqti ku filan.

Waxaa uu sidoo kale xusay in xilka qaadista deg dega ah ee Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir in ay keenikarto dib u dhac Siyaasadeed.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu dambeyntii sheegay in maqaamka Muqdisho la doonaayo in ay ka tashaddaan Shacabka iyo Siyaasiyiinta gobolka Banaadir.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.