Eng. C/qaadir Carabow oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose(Sawiro)

0 426

Eng. C/qaadir Carabow ayaa goor dhow ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Daa’uud, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.

Doorashadan ayaa aheyd mid aad u adkeyd, isla markaana uu ahaa kursiga ugu muranka badnaa ee kuraasta taalay Jowhar, waxaana uu galay diiwaanka kuraasta lacagaha badan lagu qarash gareeyay.

Eng. C/qaadir Carabow oo ah nin dhalinyaro ah ayaa helay 31 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Maxamed Axmed Beerey uu helay 20 cod, waxaana uu si layaab ah Ina Carabow uga fara baxsaday xeyndaabki Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu dhigay Kursigan.

Musharaxan laga guuleystay ee Maxamed Axmed Beerey ayaa waxaa watay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale oo la sheegay in lacag fara badan uu geeyay Jowhar, si uu u soo saaro, balse waa uu ku guuldareystay.

Waa musharaxii 3aad ee uu taageerayay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale oo laga guuleysto, iyadoo Musharaxii u dambeeyay ee uu taageersanaa ay aheyd Bakiin Maaxi oo ay ka guuleysatay Drs. Mina Xasan Shibis.

Baarlamaankan cusub ayaa waxaa ka soo muuqday dhalinyaro wax baratay oo fir fircoon, iyadoo taariikh cusub ay dhigeen dhalinyaradii ku guuleysatay kuraastii aqalka Hoose ee deegaanada maamul goboleedyada.wah

hay

 

yeh

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.