Eng. Yariisow oo shaaciyay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay Roobabkii ka Da’ay Muqdisho

0 157

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in roobabkii mahiigaanka ahaa ee Caasimadda ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar.

Duqa Caasimadda ayaa xusay khasaaraha ka sakow in ay jirto dhibaatooyin bini’aadanimo oo gurmad deg-deg ah u baahan, gaar ahaan cunno iyo agab caafimaad, si xaaladda wax looga qabto, isagoo xusay in maamulkiisu uu la tacaalayo xal-u-helidda dhibaatada roobabka ka dhashay iyo in goobihii ay biyuhu fariisteen laga wado olole ballaaran oo dib loogu soo celinayo bilicda.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn ka warbixiyey baaxadda khasaare ee naf iyo maalba leh oo ka dhashay daadadka roobka, waxuna tilmaamay in tirakoobkii ugu danbeeyey ee la sameeyey uu xaqiijinayo dhimashada 6 qofood oo seddex kamid ah yihiin caruur da’doodu ka yar-tahay 12 sanno, burburka guryo gaaraya 301 iyo burburka qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda, sida, Laamiga shaqaalaha ee degmada Hodan, Laamiga Dabka iyo Bakaaraha isku xira, Laamiga Cabdalla iyo Cawareero ee Warta-Nabadda, Laamiga Janaraal Daa’uud iyo Jidad kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.