Eng, Yariisow oo xilka wareejiyay

0 249

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta xilka ku wareejiyay Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda, Fanaanadda Qaran Hibo Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa uga mahadceliyay howlwadeenada Wasaaradda sidii ay gacan ugu siiyeen gudashada xilka loo dhiibay, waxaana uu ka codsaday inay shaqada halkaas ka sii wadaan, uu xilka ku wareejiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo si rasmi ah ula wareegay siiheynta Xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahadceliyay Wasiirkii hore mudadii ay wada shaqeynayeen, waxaana uu Alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka cusub ee loo magacaabay ee ah Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.