Ergo Maanta Gaartay Magaalada Baydhabo

0 332

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka koonfur galbeed  waxaa maanta gaaray Ergo ka taktay Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya Doorashada ka socota Magaaladaasi.

Ergadan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Shaati Gaduud ku soo dhaweysay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, Guddiga Doorashooyinka, kan Gobolka iyo xubno kale.

C/naasir Maxamed Dalab oo xubin ka ah Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka oo soo dhaweynta kadib hadlay ayaa sheegay in Ergada qaar yimaadeen, kuwo kalena ay soo socdaan.

Magaalada Baydhabop ee xarunta Gobolka Baay ayaa hada waxaa lagu doortay in ka badan 30 xildhibaan oo qeyb ka ah 69-ka xubnood ee ka imaanaya Deganada maamulka koonfur galbeed.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.