Faah faahin: Ajnabi lagu dilay Muqdisho (SAWIRRO)

0 292

Shaqaale ka tirsan Hay’adda UNICEF ee xarunteeda Degmada Wadajir ayaa lagu dilay isla xarunta gudaheeda, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Wadajir.

Ninka la dilay oo Ajnabi ahaa ayaa wuxuu qaabilsanaa dhanka cunto karinta, waxaana dilkiisa ka dambeeyay nin Soomaali ah oo ka mid ahaa waardiyaasha xaruntaasi.

Lama oga waxa ay isku qabsadeen ninka wax dilay iyo ninka la dila ee Ajnabiga ah iyo in sidoo kale dilkiisa uu ahaa arin shirqool ah oo horay looga shaqeeyay.

Ciidamada AMISOM oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ee xarunta UNICEF Degmada Wadajir, ayaa waxa ay halkaasi ka saareen Shaqaalihii kale ee Ajaanibta ahaa si ay u hubiyaan ammaankooda.

Illaa hadda ma jirto masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo dilka ninkaan Ajnabiga ah ka hadlay.

Sidoo kale lama oga dalka uu u dhashay ruuxaan Ajnabiga ah ee lagu dilay Degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo Xuubey Xarunta ay ku leedahay Hay’adda UNICEF ee qaabilsan waxbarashada Caruurta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.