faah faahin.Dagaal beeleed khasaare geystay oo ka dhacay deegaano katirsan Gobolka Sanaag.

0 431

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Khasaare geystay oo labo Maleeshiyo beeled ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Dagaalkan ayaa udhaxeeyay laba maleeshiyo beelood oo ka tirsan labada beelood ee deegaanka Waqdariya wada dega, waxaana la sheegay inay labada dhinacba ay isku adeegsanayaan hub Culus.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii labada dhinac ay ku murmurmeen dhul-daaqsimeed kuyaala deegaanka Waqdariya iyo tuulooyin ku dhaw.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalka oo weli socda, sidoo kalena la maqlayo jugta rasaas xooggan oo ay isdhaafsnayaan labada dhinac.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dab la qabadsiiyay qeybo kamid ah deegaanka Waqdariye ee Gobolka Sanaag, waxaana la sheegayaa in meelaha la gubay uu kamid ahaa Masaajid ku yaalla halkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.